Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MW Deni iyo Xisbiyada Siyaasada oo diiday in ay PL ka qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod aan ahayn
    Somalia

    MW Deni iyo Xisbiyada Siyaasada oo diiday in ay PL ka qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod aan ahayn

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 2, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 02 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

    Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

    Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay.

    Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Dowlada iyo Xisbiyada Siyaasadeed Puntland,waxay ku adkaysteen Doorasho Qof iyo Cod ah. pic.twitter.com/ZMsdEzXqBH

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) December 2, 2023

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.