Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Ganacsi oo ballaaran
    Somalia

    Kenya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Ganacsi oo ballaaran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kenya iyo Midowga Yurub,ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale oo weyn (EPA) kaas oo dammaanad qaadi doona in Waddanka ku yaalla Bariga Afrika uu canshuur la’aan iyo gelitaanka aan xadidneyn ee badeecadaha la soo xulay uu gaarsiiyo Midowga Yurub, oo ah Suuqa ugu weyn ee dhoofinta.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula Von Der Leyen ayaa ku sugnaa xaflad lagu saxiixayay magaalada Nairobi.

    “Udub-dhexaadka heshiiskan ayaa ah rabitaankayaga inaan lacag dhab ah gelinno jeebabka dadka caadiga ah: beeralayda, xirfadleyda iyo haweenka, farsamayaqaannada, gaadiidleyda iyo noocyada kale duwan ee shaqaale ee ka qaybqaata wax soo saarka, gaadiidka isaga iyo gaarsiinta halka u dambeeya macaamiisha alaabaha kala duwan ee ay khusayso saxiixa heshiiskan,”Ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

    Kenya waxaa looga baahan yahay in ay ka jawaabto iyada oo si tartiib tartiib ah suuqeeda u fureysa wax soo saarka Midowga Yurub.

    Midowga Yurub waa halka ugu horraysa ee dhoofinta Kenya iyo la-hawlgalayaasha labaad ee ugu weyn ganacsiga, wadarta guud kaas oo dhan $3.6 bilyan ee ganacsiga 2022 – koror 27% ah marka loo eego 2018.

    Labada baarlamaan ee EU iyo Kenya waa inay ansixiyaan heshiiska si uu u dhaqan galo.

    EPA,ayaa markii hore loogu talagalay xubnaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) laakiin dhammaan dalalka ku jira ururka gobolka, ayaa heshiiska ka baxay 2014-kii

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.