Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil oo sheegtay in ay heshay Godkii ugu weynaa Ee Xamaas
    Somalia

    Israa’iil oo sheegtay in ay heshay Godkii ugu weynaa Ee Xamaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 18, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay ilaa hadda ka heleen godkii ugu weynaa ee Xamaas ee Qaza, kaas oo 400m u jira xuduudka Erez ee u dhexeeya waqooyiga Qasa iyo Israa’iil.

    Sawir qaade ka tirsan AFP ayaa loo oggolaaday inuu galo godka waxa uuna sheegay in uu yahay god weyn isla markaana gaari la dhex marin karo.

    Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya in marinku uu ku kici lahaa malaayiin doollar oo ay sanado ku qaadan lahayd dhismihiisa. Waxa ay sheegtay in nidaamka godka marinka ah uu lahaa wareeg weyn kuwaas oo wada daboolay in ka badan 4km.

    Waxay sheegtay in dhismaha godka uu kormeeray Mohamed Yaxya, oo la dhashay taliyaha sare ee Hamas Yahya Sinwar oo la rumeysan yahay inuu soo abaabulay weeraradii 7-dii Oktoobar.

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen tiro badan oo hub ah oo ku kaydsanaa Godka hoostiisa.

    Afhayeen u hadlay Ciidamada Israa’iil, Kornayl Richard Hecht, ayaa sheegay in Xamaas ay dhaqaale badan ku bixisay mashruuca si ay “u adeegsato hal ujeedo oo keliya, oo ay ku weerarto Israa’iil iyo dadka deggan”.

     

    EXPOSED: The biggest Hamas terrorist tunnel discovered.

    This massive tunnel system branches out and spans well over four kilometers (2.5 miles). Its entrance is located only 400 meters (1,310 feet) from the Erez Crossing—used by Gazans on a daily basis to enter Israel for work… pic.twitter.com/RcjK5LbvGL

    — Israel Defense Forces (@IDF) December 17, 2023

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.