Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne xigeenka la doortay oo xilka kala wareegay M.xigeenkii hore Ee PL
    Somalia

    Madaxweyne xigeenka la doortay oo xilka kala wareegay M.xigeenkii hore Ee PL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 11 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

    Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaa ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

    Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsanahay inuu xilka wareejiyay guul weyn laga gaaray difaaca Gobolka Sool, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyna Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Golaha Wasiirada , Ciidamada Amniga iyo Saraakiisha Madaxtooyada ee ay soo wada shaqeeyeen.

    Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadlay wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay isagoo muujiyey marwalbo inuu u yahay Odey geed fadhi ah oo uu kala tashan doono Arrimaha Puntland iyo gaar ahaan Arrimaha SSC.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo xiray Munaasabadda wuxuu boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Dowladda, wuxuuna u rajeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in isna alle u fududeeyo masuuliyadda iyo howlaha horyaalla.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.