Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xukun lagu riday
    Somalia

    Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xukun lagu riday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 16, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha.

    Sidoo kale,waxaa lagala noqday Ruqsada Gaari wadida ee Turkiga muddo Lix bilood ah.

    Maxkamadda,ayaa ku heshay Maxamed Xasan Shiikh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

    Yunus Emre Gocer, oo ahaa Aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib.

    Dacwad-oogayaasha Turkiga,ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii Booliska ay ogaadeen in wiilka Madaxweynaha uu dalka ka baxay.

    Bixitaankiisa,ayaa caro ka dhaliyey warbaahinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedeeyey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu dalka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

    Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu Maxkamadda uga hor marqaati furo.

    Maxkamadda Istanbul,ayaa maanta Talaado ah ku xukuntay Maxamed Laba Sano iyo Lix bilood oo Xabsi ah, taasi oo loo beddelay Ganaax Lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

    Xukunka,ayaa dhacay ayada oo Wiilka Madaxweynaha Somaliya uu ka maqnaa Maxkamadda.

    Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah.
    In xukunada xabsi loo beddelo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hanaanka garsoorka ee Turkey.

    Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.