Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga xaajooday Shirka Todobaadlaha Ee Wasiirada Fadaraalka?
    Somalia

    Maxaa looga xaajooday Shirka Todobaadlaha Ee Wasiirada Fadaraalka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 18, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Janaayo 18, 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo ku saabsanaa taageerada madaxbannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya.

    Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan.

    Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, waxa uu ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee difaaca dalka, sugidda amniga, xasillinta iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

    Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista marwo Fatxiya Maxamed Yuusuf oo ka mid noqonaysa xubnaha maamulka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

    DHAMMAAD
    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    Flickr
    https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
    instagram:
    opmsomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.