Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland oo la dhamaystiray
    Somalia

    Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland oo la dhamaystiray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, January 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada.

    Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood.

    Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.

    Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ahaa:

    1. Maxamuud Shire Cismaan
    2. Maxamed Siciid Cali
    3. Maxamuud Dhakuul Xirsi
    4. Cabdiwelii Yuusuf Warsame
    5. Cabdicasiis Axmed Saalax (Dhahar)
    6. Xasan Yuusuf Majabe
    7. Mowliid Abokor Caafi
    8. Xassan Ducaale Cali (Dhagax-tuur)
    9. Yaasiin Jaamac Cumar
    10. Cabdirisaaq Jaamac Aadan

    Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 11-aad.

    1.Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

    2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.

    3. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.

    4. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo
    Dimuqraadiyadda.

    5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.

    6. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.

    7. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

    8. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

    9. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah.

    10. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska.

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

    E-mail: info@puntlandparliament.com

    Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl

    Twitter:
    Tweets by Parliamentofpl

    Instagram: https://instagram.com/Parliamentofpl

    Telegram: https://t.me/parliamentofpl

    Website: http://puntlandparliament.com

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.