Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Munaasabad balaaran oo Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland
    Somalia

    Munaasabad balaaran oo Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 25, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 25, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoonka Golaha Wakiillada DPL ayaa Madaxtooyada Garoowe kaga qayb-galay munaasibad lagu soo dhoweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029.

    Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hogaamiyaha SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda dowladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo shacabka Puntland ayaa markale si weyn ugu mahadceliyey Wufuudda Balaadhan ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland, waxa uu si gaar ah u bogaadiyey fanaaniinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ahaa Caleemasaarka Madaxda Puntland.

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.