Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Munaasabad balaaran oo Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland
    Somalia

    Munaasabad balaaran oo Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 25, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 25, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoonka Golaha Wakiillada DPL ayaa Madaxtooyada Garoowe kaga qayb-galay munaasibad lagu soo dhoweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029.

    Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hogaamiyaha SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda dowladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo shacabka Puntland ayaa markale si weyn ugu mahadceliyey Wufuudda Balaadhan ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland, waxa uu si gaar ah u bogaadiyey fanaaniinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ahaa Caleemasaarka Madaxda Puntland.

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.