Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Fadaraalka oo Imaaraadka kaga qaybgalay Shirka Amniga Somaliya
    Somalia

    Madaxweynaha Fadaraalka oo Imaaraadka kaga qaybgalay Shirka Amniga Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 31, 2024Updated:February 1, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

    Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shirka Amniga Soomaaliya, kaddib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday dalka, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.