Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran oo wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixinayso hadii…..
    Somalia

    Iran oo wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixinayso hadii…..

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 5, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanani,ayaa Isniintii Asia sheegay..

    “Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay muujisay in ay mar walba si adag uga falcelineyso khatar kasta oo ku wajahan Amnigeeda,Madaxbannaanideeda Dhuleed iyo Qarannimadeeda.”

    Wuxuu sii raaciyay hadalkiisa “Iran kama laba labayn doonto inay adeegsato awooddeeda si ay uga jawaabto weerar kasta oo ka dhaca dalkeeda,balse ma dooneyno in ay kasii darto xiisadda Gobolka.”

    La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan,ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono in uu ka aarguto kooxaha Iran ay taageero ee ku sugan Iraq iyo Syria.

    Mar la weydiiyey haddii Mareykanka uu meesha ka saarayo suurta-galnimada inuu toos u weeraro Iran, Sullivan ayaa u sheegay NBC “Xikmad iima yeelaneyso inaan ka hadlo waxa aan xukmineyno iyo waxa aan meesha ka saareyno.”

    “Haddii Uran ay doorato in ay si toos ah uga jawaabto Maraykanka, waxay la kulmi doonaan jawaab degdeg ah oo xoog leh oo naga timaada,”Ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka.

    Xiisadda Gobolka,ayaa aad u kacsaneyd tan iyo 7-di October markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Isra’iil iyo dagaalkii xigay ee Qasa,Kadibna ay kooxaha Iran ku xiran ee Iraq, Siiriya,Yemen iyo Lebanon ay fuliyeen weeraro la xiriira dagaalkaas oo Maraykanka ka dhan ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.