Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamad Xukuntay in Trump uusan haysan xasaanadda Madaxweyne hore lana Maxkamadeyn karo
    Somalia

    Maxkamad Xukuntay in Trump uusan haysan xasaanadda Madaxweyne hore lana Maxkamadeyn karo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Donald Trump ma haysto xasaanad madaxweyninimo,waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashada 2020, sida ay xukuntay Maxkamad ku taal Mareykanka.

    Trump,ayaa ku andacoodey kiis sharciyeed oo taariikhi ah in uu ka badbaado eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa Madaxweynenimo.

    Balse xukunka maanta ka dhacay Washington DC,ayaa meesha ka saaray sheegashadaas.

    Waxay dib u dhac ku tahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweynaha isagoo la dagaallamaya kiisas badan.

    Madaxweynihii hore,ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taasoo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare halkaasoo muxaafidku ay heystaan aqlabiyad 6-3 ah.

    La taliyaha gaarka ah ee Mareykanka Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaray guushii Joe Biden ee doorashada 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin si uu xafiiska u sii joogo.

    Maxkamadeynta kiiskaas,ayaa markii hore loo qorsheeyay 4-ta Maarso, laakiin dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo go’aanka dacwadda xasaanadda.

    Waxay dib u dhici kartaa toddobaadyo, haddii aysan bilo noqon, haddii kiisku ku dhammaanayo Maxkamadda Sare.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.