Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamad Xukuntay in Trump uusan haysan xasaanadda Madaxweyne hore lana Maxkamadeyn karo
    Somalia

    Maxkamad Xukuntay in Trump uusan haysan xasaanadda Madaxweyne hore lana Maxkamadeyn karo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Donald Trump ma haysto xasaanad madaxweyninimo,waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashada 2020, sida ay xukuntay Maxkamad ku taal Mareykanka.

    Trump,ayaa ku andacoodey kiis sharciyeed oo taariikhi ah in uu ka badbaado eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa Madaxweynenimo.

    Balse xukunka maanta ka dhacay Washington DC,ayaa meesha ka saaray sheegashadaas.

    Waxay dib u dhac ku tahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweynaha isagoo la dagaallamaya kiisas badan.

    Madaxweynihii hore,ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taasoo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare halkaasoo muxaafidku ay heystaan aqlabiyad 6-3 ah.

    La taliyaha gaarka ah ee Mareykanka Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaray guushii Joe Biden ee doorashada 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin si uu xafiiska u sii joogo.

    Maxkamadeynta kiiskaas,ayaa markii hore loo qorsheeyay 4-ta Maarso, laakiin dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo go’aanka dacwadda xasaanadda.

    Waxay dib u dhici kartaa toddobaadyo, haddii aysan bilo noqon, haddii kiisku ku dhammaanayo Maxkamadda Sare.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.