Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Toogasho khasaare xoog leh dhalisay oo ka dhacday Maraykanka
    Somalia

    Toogasho khasaare xoog leh dhalisay oo ka dhacday Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 15, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ugu yaraanna ay 22 kale ku dhaawacmeen kaddib marki rasaas oodda loogaga qaaday taageerayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

    Dadka la rasaaseeyay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykanka eee Arbacada maanta ah, taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay todobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka.

    Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves ayaa gelinki danbe ee Arbacadi wariyaasha u sheegtay, in weerarkaasi loo xiray ilaa iyo saddex qof kuwaas oo hadda la baarayo.

    Graves waxay sheegtay in aanan wali la ogeyn sababta ka danbeysa weerarka rasaasta loo adeegsaday ee shalay gelinki danbe ka dhacay magaalada Kansas ee dalka Mareykanka.

    22 ka qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan ugu yaraan 15 qof oo ay xaaladdooda aad u liidato. Sidoo kale 8 carruur ah la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen toogashada ka dhacday Kansas City.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.