Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Afrika oo taageeray Midnimada iyo Gobanimada Dhuleed Ee Somaliya
    Somalia

    Midowga Afrika oo taageeray Midnimada iyo Gobanimada Dhuleed Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 18, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shir Madaxeedka Midowga Afrika,ayaa lagu soo gabagabeyey Magaalada Addis Ababa,waxaana gunaanadkiisii ka soo baxay warmurtiyeed arrimihii looga hadlay uu ka mid ahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

    “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024”.Ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka.

    “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada,sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya” Ayaa lagu yiri marksle Warka kasoo Midowga Afrika.

    Midowga Afrika,ayaa ugu baaqaya Labada Dal in ay qaboojiyaan xiisadda,ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidii xal Nabadeed loogu heli lahaa arrinkan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.