Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Looma marin ansixinta heshiiskan Badda Ee Turkiga Wadadii saxda ahayd.
    Somalia

    Faallo:-Looma marin ansixinta heshiiskan Badda Ee Turkiga Wadadii saxda ahayd.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MW Fadaraalka,ayaa Gacantiisa kusoo qaaday heshiiska,kadibna hor fariistay Wasiirada saakay Afar Saac kana ansixiyay,sidoo kale,waxaa loo guuray Baarlamaanka oo laga meel mariyay waxyar kadib.

    Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Fadaraalku ma yaqaanaan waxa ay ansixiyeen,waxayna ii xaqiijiyeen tiro ka mid ah in aan la arag waxa uu yahay.

    Su’aashu waxay tahay?

    Maxaa diidayay in la qaybiyo heshiiska nuqulladiisa oo laga doodo kadibna Cod sax ah lagu meel mariyo hadii laysla qaato?

    Qodobka 54 ee Dastuurka Fadaraalka,ayaa dhigaya in arimaha masiiriga ah ee saamaynaya DG lagala tashto.

    Sidoo kale,waxaa mudan in si gaar ah loo tixgeliyo heshiiskii Baydhabo 2018 ee qaybsiga Khayraadka Badda.

    Heshiiska Turkiga ee Bada Somaliya,waxaa ka mid ah khayraadka Bada oo Dawlada Turkigu soo saarayso 30% Dawlada Turkiga,ayaa qaadanaysa,halka 70% Dawlada Federaalka Somaliya ay qaadanayso,waana arin ubaahan in laysla og yahay.

    Nasiibdarada Somaliya haysataa,waa in aan la marayn Wadooyinka saxda ah ee Sharcigu dhigayo marka wax la meel marinayo.

    Saakay heshiis Badda Somaliya Amnigeeda iyo Khayraadkeeda Dalkale loogu wareejiyay oo aan laga warqabin waxa uu yahay,ayaa la galay.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.