Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad kala socotaa Maleeshiyaadka Amxaarada Ee Fano?
    epa000454054 Ethiopian special forces soldiers patrol the streets of Addis Ababa, Friday 10 June 2005. Most shops were shuttered and taxis were again on strike for the third day in a row while families collected the dead for burial following riots over election results and government warnings that any more civil unrest would be dealt with sternly. EPA/STEPHEN MORRISON
    Somalia

    Maxaad kala socotaa Maleeshiyaadka Amxaarada Ee Fano?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 26, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Fano waxay ka dhigan tahay koox dhalinyaro hubeysan, oo kasoo jeeda gobolka Amhara, kuwaasoo ku lug leh difaaca bulshada. Waa maleeshiyo ciidankeeda ka dhex qorata bulshada, iyadoo ka codsata inay si iskaa ah ugu soo biiraan. Waxay xulafo la ahayd ciidamada federaalka intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray balse xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kaddib markii maleeshiyadu ay dowladda ku eedeysay inay isku dayeyso wiiqidda gobolka iyo iska cababintiisa gobollada deriska ah, eedyentaasoo ay dowladdu beenisay.

    Si kastaba, asalka magaca kooxda ayaa dib loo raaci karaa qarniyo, luqadda Amharic marka la eegana waxay ka dhigan tahay ‘qof iskiis isu abaabulay’ ama ‘koox ciidan hoggaan la’aan ah oo aan cidna ka amar qaadan.’

    Qarniyadii hore, Fano waxay il muhiim ah oo ciidan u ahayd hoggaamiyeyaasha gobolka, waxaana loo wacan jiray marka loo baahan yahay si ay u dagaallamaan.

    Qarnigii 20aad, Fano ayaa waxaa sidoo kale adeegsaday maamulkii Haile Selassie si uu isaga caabbiyo duullaankii Talyaaniga intii u dhaxeysay 1936-41.

    Markii sanadkii 2018, uu talada dalkaasi qabsaday raysal wasaare Abiy Ahmed, Fano ayaa kaoso horjeesatay iyadoo tabaneysay inaan wax laga siin awood-qeybsiga siyaasadda. Tan ayaa horseedday dibadbaxyo ka dhaca gobolka oo ay dhalinyaro horkacayeen.

    Ilaa iyo haatan kooxda Fano,ayaa xiriir wanaagsan la leh bulshada gobolka Amhara, maaddaama aaminaadda lagu qabo dowladda federaalka ee gobolku ay sii yaraaneysay, kooxdana loo arkayay inay bulshada difaaceyso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.