Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddi dib u heshiisiin ah oo loo saaray xalinta khilaafyada xuduudka ee u dhexeeya Somalida iyo Canfarta
    Somalia

    Guddi dib u heshiisiin ah oo loo saaray xalinta khilaafyada xuduudka ee u dhexeeya Somalida iyo Canfarta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2024Updated:March 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Itoobiya,ayaa samaysay Gudi dib u heshiisiin ah oo wax ka qabta colaada daba dheeraatay ee ka taagan Deegaanada Xuduuda ee u dhaxeeya Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Canfarta.

    Guddigan,ayaa isku dhaf ah,wuxuuna ka kooban yahay wakiillo ka kala socda Labada Deegaan iyo hay’ado madax-bannaan.

    Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya,ayaa kormeeri doona Guddiga si loo xaqiijiyo dib u heshiisiin macno leh.

    Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya,ayaa qaatay door muhiim ah oo dhexdhexaadineed si loo fududeeyo Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta.

    Qorshahan,ayaa looga golleeyahay sidii iskaashi iyo mustaqbal wanaagsan loogu soo dabbaali lahaa bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.

    Colaada xuduuda ee Labada Deegaan,ayaa geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo aad u xooggan sannadihii lasoo dhaafay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.