Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka jira wada hadallada Nayrobi ee dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya?
    Somalia

    Maxaa ka jira wada hadallada Nayrobi ee dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2024Updated:March 10, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Somaliya,waxay wefti udirtay Kenya,kaasoo ka koobnaa 5-Qof oo kala ahaa…..

    1.Ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada.
    2.Lataliyaha Amniga Qaranka.
    3.Agaasimaha Xaafiiska Ra’isalwasaaraha.
    4.Caynte.
    5.Gabar Sharci yaqaan ah.

    Itoobiya,waxaa ka socday wefti ka koobnaa..

    1.Wasiirka Arimaha Dibada.
    2.Wasiirka Amniga.
    3.Ku xigeenka Lataliyaha Amniga Qaranka.
    4.Afhayeenka Dowlada Itoobiya.

    Kenya waxaa ku matalayay dhexdhexaadinta.

    1.Wasiirka Arimaha Dibada.
    2.Ku xigeenka Sirdoonka.
    3.Lataliyaha Amniga Qaranka.

    Somaliya waxay Miiska soo saartay…

    B.In Itoobiya uga laabato heshiiskii ay SL la gashay si waadix ah.

    T.In Somaliya ogoshahay heshiis Badeed oo Ganacsi oo ay Itoobiya la gasho.

    Itoobiya waxay Miiska la timid…

    B.In ay si qarsoodiya uga laabanayso heshiiskii SL ay la gashay oo aysan shaacin karin una dirtay Hargaysa wefti uba sii sheegay.

    T.In Somaliya ay la gasho heshiis Badeed oo Ganacsi ah.

    Labada dhinac toos iskuma hor fariisan oo Laba Qol ayay kala fadhiyeen,waxaana ukala Dab qaadayay Kenyatiga oo Maraykanku xoojinayo.

    Wada hadaladu,waxay ka dhaceen Wasaarada Arimaha dibada Kenya Xarunteeda,waxayna bilowdeen 3-Saac Subaxnimo ilaa 5-Saac Habeenimadii Sabtida ay soo galaysay,waxayna kusoo idlaadeen natiijo la’aan.

    Subixii Sabtida,ayaa laysku soo laabtay oo dhexdhexaadintu sii socotay,balse 1-Dii Duhurnimo ayay si rasmi ah wada hadaladii ufashilmeen oo lagu kala tagey.

    Wada hadalladii,waxaa fashiliyay weftigii Itoobiyaanka oo go’aan qaadan waayay iyo RW Abiy oo diiday dalabkii Somaliya ee ahaa in uu si cad ushaaciyo ka laabashada heshiiskii uu la galay SL.

    Waxaa jiray qoraal baaqday kadib markii Somaliya ay ku xirtay in Itoobiya shaaciso ka laabashada heshiiska ay la gashay SL ,kaasoo ay ku midaysnaayeen Dowladaha Kenya,Somaliya,Itoobiya iyo Jabuti oo ahaa in si wadajir ah;iyadoo la ixtiraamayo Madaxbanaanida Wadamada looga faa’idaysto Khayraadka Badda.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.