Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kuwee Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka Maraykanku kusoo rogay xayiraada?
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Waa kuwee Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka Maraykanku kusoo rogay xayiraada?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanku waxay sheegeen in shaqsiyaadka iyo shirkadaha lagu magacaabay warbixinta ay soo saareen ay ka qayb qaateen dhiqidda lacagta dollarka oo la mariyey ganacsiyo dhowr ah.

    Shirkadaha lagu xusay waxaa ka mid ah Haleel Commoditeis LLC oo fadhigeedu yahay Dubai sidoo kalana loo yaqaano Haleel Group, waaxay sheegeen inay fududayn dhaqaale u samaysay Al-shabaab

    Shirkadan ayaa laamo ku leh Kenya,Uganda, Qubrus iyo qaybteeda Elaktarooniga ee Soomaaiya ayaa ayaa lagu yiri warbiixnta wasaarada Lacagta Maraykanku

    Shirkada Qemat Al Najax General Tradinga oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka ayaa kuwa lagu sheegay warbixinta, taas oo Maraykanku ku eedeeyey inay gacan ka gaysatay maareynta iyo u wareejinta lacagaha al-Shabaab ee xiriirka la leh Kooxda Haleel.

    Faysal Yuusuf Diini (Diini) oo fadhigiisu yahay Kenya waa fududeeyaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab kaas oo kooxda Haleel iyo qaar ka mid ah hoggaankeeda ka caawiya in ay lacagaha u xawilaan Al-Shabaab ayaa lagu yiri War-safaaxadeedka Maraykanka.

    Sidaas oo kale Maxamed Jumcaale Cali ‘Cawaale’ oo fadhiisu yahay Kenya ayey Maraykanku sheeegeen in ay isla qorsheeyeen mashaariic maalgashi iyo dhaqdhaqaaqyo lacag-dhaqidda ah.

    “Tan waxaa ku jira in la maareeyo lacagaha al-Shabaab ee lagu dhaqo mashaariicda maalgashiga iyo shirkadaha, oo ay ku jiraan Adeegga Crown Bus Services ee fadhigiisu yahay Kenya. Adeegga Bus-ka Crown ayaa sidoo kale taageeray hawlgallada saadka ee al-Shabaab” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Maraykanka.

    Dadka lagu xusay warbixinta waxaa ka mid ah, Xasan Cabdirixmaan Maxamed oo ah Soomaali degan dalka Finland kaas oo wasaarada lacagta Maraykanku sheegtay in uu kooxda ka taageeeray lacag dhiqida iyo xawaaladaha, ninkan ayey sheegeen inuu ku xirnaa shirkadaha Haleel Group iyo Qemat Al Najax General Trading.

    Shaqsiyaadka kale ee Maraykanku ku eedeeyey lacag dhaqida waxaa ka mid ah Maxamed Cartan Robel oo fadhigiisu Imaaraadka, Cabdikariin Faarax Maxamed oo fadhigiisu yahay Soomaaliya, Farxaan Xuseen Xaydar oo ah maamula xarumaha Haleel Group ee Kenya, Uganda, Qubrus, iyo Imaaraadka, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi oo agaasime ka ah Kooxda Haleel Groups ee Uganda oo uu weheliyo Cumar Sheekh Cali.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.