Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka cusub Ee Wasaarada Maaliyada PL oo xilkii la wareegay
    Somalia

    Wasiirka cusub Ee Wasaarada Maaliyada PL oo xilkii la wareegay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE- Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud.

    Xafladan waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, gudiga qaban qaabada Xil wareejinta, Xildhibaano ka tirsan Gobolka wakiilada, madaxda iyo qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

    Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa soo jeediyey xogta Wasaaradda iyo waxqabadkii Wasaaradda Maaliyadda muddadii uu hoggaaminayey Wasiirkii hore Mudane Dhabancad, wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud

    Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda mudadii uu xilka hayey, waxaana uuna u mahadceliyey Madaxdii iyo shaqaalihii mudada la soo shaqaynayey, Wasiirka cusubna wuxuu u rajeeyey shaqo wanaagsan.

    Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Wasiirkii hore uga mahad celiyey sida uu uga shaqeeyey Wasaaradda waxaana uu sheegay in uu shaqada Wasaaradda halkasi ka sii wadi doono.

    Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Wasiirkii hore ku amaanay hufnaan iyo hawl karnimo, Wasiirka cusubna u rajeeyey in uu guto waajibaadkiisa shaqo. Madaxweynaha ayaa shaqaalaha iyo madaxda u sheegay in Dowladdu ku tiirsan tahay dakhliga ay Wasaaradda Maaliyaddu soo saarto.

    Baahintii

    Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.