Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirada Xanaanada Xoolaha PL oo xilka loo kala wareejiyay
    Somalia

    Wasiirada Xanaanada Xoolaha PL oo xilka loo kala wareejiyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    2 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor , ayaa ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe), Wasiir ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Mudane Dr Cartan Axmed Maxamed iyo Wasiir ku-xigeenkii hore Mudane Maxamed A. Dayib Guure iyo Wasiir Dowlaha Cusub Cabdinaasir Axmed Aadan iyo Wasiir Dowlihii Hore Mudane Mustafe Cabdifataax Maxamed.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mudane Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo soo dhaweeyey mas’uuliyiinta ka qayb galaysay munaasibadda xilwareejinta ayaa kusoo bandhigay waxqabadka Wasaaradda, guulaha laga gaadhay dabagalka iyo daaweynta xoolaha qorshayaashii hirgalay mudadii ay hogaaminayeen Wasaaradda Wasiirada xilka wareejinaya.

    Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta cusub la wadaagay Waxyaabaha u qabsoomay intuu xilka hayey, isagoo uga mahadceliyay Masuuliyiinta Wasaaradda, Agaasimayaasha, Hawl wadeenada iyo dhammaan bahda caafimaadka xoolaha sidii wanaagsaneyd ee ay usoo wada shaqeeyeen intuu xafiiska joogay.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay shaqada baaxadda leh ee wasaaradda iyo Wasiiradii hore horumarka ay ka sameeyeen baahinta adeegga iyo in la gaarsiiyo degmooyinka iyo deegaanada xarumaha wasaaradda iyo xarumaha daaweynta xoolaha Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Dowladda ee 5-tan sano ay ku jiraan qorshayaal ayna qayb muhiim ah ka tahay xannaanada xoolaha, dajinta siyaasadaha iyo shuruucaha fayadhawrka ganacsiga hilibka iyo caanaha ee suuqyada gudaha iyo dibedda, Diyaarinta istataatiijiyadda lagu xakamaynayo waxyeelada abaaruhu u geystaan xoolaha iyo xoolo dhaqatada iyo hirgelinta barnaamijka cilmi baadhista horumarinta xoolaha.”

    Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Xannaanda Xoolaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.