Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fowsiyo makaga adkaan doontaa Odinga Tartanka Gudoomiyaha Midowga Afrika?
    Somalia

    Fowsiyo makaga adkaan doontaa Odinga Tartanka Gudoomiyaha Midowga Afrika?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 16, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wadamada Bariga Afrika,ayaa markan aad udanaynaya in ay helaan Kursiga Guddoomiyaha AUC,sida uu qeexay Wasiirka Arimaha Dibada Tansaaniya.

    Kenya,waxaa ka sharaxan Odinga oo horay usoo qabtay jagada Ra’isalwasaaraha,isla markaana dhawr jeer looga guulaystay tartanka Madaxweynaha Kenya.

    Sidoo kale Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha 2018 ilaa Febraayo 2023,ayuu soo noqday.

    Raila Odinga,wuxuu bilaabay olole uu ku raadinayo taageero,iyadoo uu garab istaag ka helay hogaamiyayaasha Gobolka Bariga Afrika intooda badan oo ku jiro Madaxweynaha Rwanda.

    Sidoo kale Madaxweynaha Wadankiisa Kenya William Ruto oo muhiim u ah Olalihiisa,ayaa adag ugarab taagan hankiisa,wuxuuna ubalan qaaday in uu yahay Musharaxa rasmiga ah ee Jagadaas ee Kenya ay gudbinayso.

    Somaliya,waxaa ka sharaxan Xildhibaanad Fowsiyo Xaaji Aadan oo soo noqotay Wasiirka Arimaha Dibada,balse DFS ilaa iyo hada ma cadayn in ay garab taagan tahay Musharaxnimadeeda.

    Si guud marka loo eego tartanka Kursigaas haduu kusoo ururo in ay ku loolamaan Kenya iyo Somaliya ama Odinga iyo Fowsiyo,waxay ubadan tahay in Kenya iyo Musharaxeedu guulaysan doono,sababtoo ah…

    1.Kenya Dowlad ahaan way kaga xurmo saraysaa Afrikaanka dhexdiisa Dowlada Somaliya.

    2.Odinga waa ka maqaam weyn yahay Fowsiyo X.Aadan.

    3.Dowladaha Afrikaanka ah oo intooda badan aan ka arkin Somaliya danahooda,halka qaar Bariga Afrika ka mid ah ay uba arkaan in ay khatar ku tahay danaha ay leeyihiin Somaliya.

     

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.