Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sh.Shariif oo si adag udhaliilay Xasan Shiikh iyo hogaamintiisa
    Somalia

    Sh.Shariif oo si adag udhaliilay Xasan Shiikh iyo hogaamintiisa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Shiikh Axmed oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo Qabyaalad, isagoo xusay wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo.

    “Shalay aniga Madaxweyne Xasan Shiikh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn . Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo”

    “Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan”

    “Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay , is aaminaadii ayaa hoos u dhacday, Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah , dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto”.

     

    Waa dhab uma baahna Bulshadan Somaliyed ee daalan in lakala qaybiyo oo Qabyaalad awalba dilootay lagu sii huriyo.

    Xasan Shiikh,waa fashilmay. pic.twitter.com/y9lUqul4HV

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) March 21, 2024

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.