Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo fariin udirtay Burcada ay haysata Markabka MV Abdullah
    Somalia

    Puntland oo fariin udirtay Burcada ay haysata Markabka MV Abdullah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 22, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed Marduuf,ayaa sheegay in uu Markabka hadda taagan yahay Deegaan Xeebeedka Jiifle.

    Taliyaha,ayaa xusay in ay dhanka Barriga ka wadaan howlgal ay uga gol leeyihiin in ay ku go’doomiyaan burcad baddeedda oo aysan galaangal u yeelan inay Barriga ka helaan wax caawinaad ah.

    “Waxaan hadda ku sugnnahay barriga, qorshaheennu waa inaysan burcaddu iska abaabulin iyo in kuwa hadda markabka Abdalla aysan helin gurmad dhanka barriga ah, dhanka baddana waxaa ku gadaaman maraakiib ay leeyihiin ciidamada caalamiga,marka dhankasta waa ka godoonsan yihiin,”Ayuu sheegay taliye Marduuf.

    “Waa inay kala doortaan inay isku soo dhiibaan Puntland oo deegaannadooda ku maraan ciqaabta ay mudan yihiin ama in sidii markabkii ka horreeyey ee MV Ruen ay gacanta u galaan ciidamada shisheeye oo dalal kale lala aado,”Ayuu intaas ku daray Talyaha Qaybta Booliska Nugaal.

    Afduubka markabka MV Abdullah, waa kii ugu dambeeyay in ka badan labaatan weerar tan iyo bishii November oo ay geysteen burcad badeedda Somalida ka dib Toban Sano oo ay howlgalladoodu la cirib tiray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.