Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan qorshihiisu mahan wax ka badal Dastuur Ee waa samayn Dastuur cusub
    Somalia

    Xasan qorshihiisu mahan wax ka badal Dastuur Ee waa samayn Dastuur cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    15-Cutub,ayuu yiri halaga badalo Dastuurka markii hore MW Xasan Shiikh,kuwaasoo ay ku jiraan Qodobada Asaasiga ah ee ka dhigaya hadii la taabto in Dastuurkii oo dhan la badalay.

    4-ka mid ah Cutubyadii 15-ka ahaa,ayuu hadana kala soo dhex baxay,wuxuuna meel iska dhigay 11-kii kale.

    Afartii meel marintooda,wuxuu amray in aan loo marin habraacyadii udaganaa Labada Gudi ee kala ah…

    1.Gudiga Dib U Eegista Dastuurka.
    2.Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka.

    Fikradihii dooda Xildhibaanada laga ururshay oo sharciyan ay ahayd in lagu daro Dib u eegista kadibna lagu ansixiyo Cod ah 51%,meesha,ayaa laga saaray sabab ah in ay wakhti dheer qaadanayaan.

    Haatan Afar Cutub oo aan loo marin habraac sax ah,ayaa Sabtida la rabaa in Cod aan kooram loo haysan lagu ansaxsado,kadibna MW Digreeto kusoo saaro.

    Gudiyadii Dib u eegista Dastuurku,waxay ku shaqaynayaan rabitaanka Madaxweynaha,waxayna lumiyeen Madaxbanaanidii.

    Afarta Cutub,waa asaasi,waxayna ka dhigan yihiin badalidoodu in Dastuurkii oo idil laga guuray,taasoo aysan awood ulahayn Baarlamaanka iyo Gudiyada Dib U eegista Dastuurka.

    Waxaa kaloo xusid mudan in Afartan ay qayb ka yihiin 15-ka kale oo ay tahay in si guud isku mar Cod loo galiyo.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.