Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo udigay Ra’isalwasaaraha Israa’iil
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo udigay Ra’isalwasaaraha Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Khamiistii in sii wadidda taageerada Mareykanka ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas inay go’aamin doonto sida Israel ay u qaadato tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool marinka Gaza iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee isku dayaya inay cunto u keenaan.

    Maalmo ka dib markii ciidamada Israa’iil ay qaadeen duqeymo cirka ah oo ay ku dhinteen todoba shaqaale ah oo ka hawlgelayey hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ayaa Aqalka Cad wuxuu sheegay in wadahadal dhinaca khadka telefoonka ah oo dhexmaray Biden iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil, inuu u bayaamiyey, “inaan la aqbali karin, duqaymaha loo geysanayo shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo weliba xaaladda bini’aadanimo ee deegaanka ka jirta.”

    Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in Biden uu ka dalbaday Israa’iil inay la yimaaddaan tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah iyo “Xabbad joojin degdeg ah” si loo soo afjaro colaadda socota muddada lixda bilood ah.

    Waxa uu si cad u sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan xaaladda Gaza lagu go’aamin doono qiimayntayada la xidhiidha tallaabooyinka degdegga ah ee ay Israa’iil qaado.

    Isagoo ku sugan Brussels, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu u sheegay weriyayaasha, “Haddii aanaan arkin isbeddellada aan u baahannahay in la sameeyo, waxaa jiri doona isbeddello lagu sameeyo siyaasaddayada.”

    Mar wax laga waydiiyay afhayeenka golaha amniga Qaranka John Kirby oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, in Maraykanku uu joojinayo kaalmada milatari ee uu siiyo Israa’iil, ayuu yidhi, “Ma doonayo in aan saadaaliyo go’aamo aan weli la gaarin, laakiin waxaa jira waxyaabo u baahan in la sameeyo. Dad badan ayaa la laayey.”

    Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda Israa’iil oo ku saabsan dalabaadka Mareykanka.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.