Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran ku jabtay weerarkii ay ku qaaday Israa’iil
    Somalia

    Iran ku jabtay weerarkii ay ku qaaday Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 14, 2024Updated:April 14, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    90% wax alaale iyo waxay soo tuurtay Iran Dhulka,ayaa la dhigay waliba,iyagoon soo gaarin Ciida Israa’iil intooda badan.

    Tani,waxay ahayd tijaabo ay samaysay Israa’iil oo ay ku muujisay awoodeeda difaaca Cirka,waxayna tustay caalamka awood ka saraysa Iran.

    Israa’iil si weyn ayay ugu diyaar garowday dagaal toos ah oo ay la gasho Iran marka laga soo tago kan dadban ee ay Iran taageerto ee Qasa,Yemen,Siiriya,Lumnaan iyo Iraq.

    Xalay,waxaa la xaqiiqsaday in Iran aysan awood ulahayn burburinta Israa’iil,waana wal wal ka haray reer Gslbeedka iyo fashil ku yimid Shiicada iyo Taliskooda xagjirka ah.

    Aduunku si weyn,ayuu uga carooday talaabada Iran,waxayna u arkeen Wadamada kooban ee xiriirka dhow la lahaa in ay samaysay qar iska xoornimo.

    Israa’iil waxay unoqotay fursad umidaysay gudaha Shacabkeeda iyo banaanka hiilka uga imaanaya,waxayna heshay Saanad Mileteri oo ay ku heli wayday dagaalka Qasa.

    Maraykanka iyo UK oo ugu horeeya kuwa dhabarka ka taagan Israa’iil,waxay u ahayd farxad in Iran awoodeeda rasmiga ah ay ogaadeen,isla markaana dagaalkii ay ka baqayeen ee weynaa uusan dhicin.

    Reer Qasa weerarka Iran,wuxuu ku yahay dhabarjab oo wuxuu ilowsiiyay Aduunka,wuxuuna ka lumiyay taageerada Seneterada Kongarayska Maraykanka qaarkood,Siyaasiyiin iyo Ururo Bulsho oo reer Galbeed ah oo markii hore ka hor yimid dagaalka Qasa.

    Isku soo wada duuboo weerarkii Xalay Iran maraduu ka fayday,waana ku fashilantay halka Israa’iil ay ku muujisay awoodeeda Milleteri kuna kasbatay taageero Diblomaasi iyo mid Milleteri.

    https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1779436831227953486?t=kkrwcI2FpDjGwfbmIAKfoQ&s=19

     

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.