Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Blinken oo booqanaya Shiinaha Laba jeer Sanadkan gudihiis
    Somalia

    Blinken oo booqanaya Shiinaha Laba jeer Sanadkan gudihiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu u safro dalka dalka Shiinaha, xilli ay xukumadaha Washington iyo Beijing isku dayayaan in ay sii wadaan xiriirkooda aanan adkeyn, inkasta oo uu jiro kala duwanaasho mug weyn oo dhinacyo badan leh.

    Labadan waddan ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo ayaa isku hayo dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka ee Ukraine, Taiwan iyo Badda Koofurta Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Hong Kong, xuquuqda aadanaha iyo xariga muwaadiniinta Mareykanka.

    Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ku dagaallamaya arrimaha ganacsiga, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu asbuuci lasoo dhaafay ku dhawaaqay canshuur cusub oo la saaray biraha uu Shiinaha u soo dhoofiyo Mareykanka.

    Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in booqashadan oo ah tii labaad oo uu Blinken ku tago Shiinaha muddo ka yar sannad, uu Arbacada ka billaabi doono magaalada Shanghai, kaddibna uga sii gudbi doono Beijing. Wuxuu la kulmi doonaa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi. Sidoo kale waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Xi Jinping

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.