Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safaarada Turkiga Ee Muqdisho oo Markabkooda si ka duwan Dowlada Xasan uga hadashay
    Somalia

    Safaarada Turkiga Ee Muqdisho oo Markabkooda si ka duwan Dowlada Xasan uga hadashay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 24, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Turkiga Safaaradeeda Muqdisho oo ka hadashay Markabka yimid Dekeda Muqdisho iyo Xafladii ka dhacday dushiisa,ayaa sheegtay in ay ahayd xuska iyo waynaynta Maalinta Caruurta iyo Xornimada Qaran ee Turkiga.

    Halkaas,waxaa ku fashilmay sheegashadii DFS ee lumisay Sharciyada ee ahayd in Xaflada loo dhigay hirgelinta heshiiskii Amaanka Badda ee Turkiga lala galay.

    Markabka Turkigu,waxa uu marayaa 23-Wadan,mid walbana waxaa laga samaynayaa munaasabad gaar ah,iyadoo ujeedka Turkigu yahay muujinta awoodooda Ciidamada Badda,gaar ahaan Markabkan oo ay dhawaan samaysteen.

    Imaanshaha Markabkan ee Dekeda Muqdisho Turkigu dood buu ka galay,sababo amaan dartood markii dambe oo la go’aamiyay in lagu daro Dekeda Muqdisho Dekedaha uu marayo,waxaa kasoo hormaray Laba Markab oo yar-yar kuwaasoo la wareegay amaanka Dekeda.

    Dekeda Muqdisho,waxaa laga saaray Maraakiibtii iyo Doonyihii Ganacsi,waxaana Shaqadii laga joojiyay Shaqaalihii.

    Waxaa la yaab lahayd kuna ahayd bahdil Somalida in Xaflada Markabka dushiisa ka dhacaysay la keenay Warbaahintii Qaranka oo toos utabinaysay,isla markaana MW lumiyay Sharciyada uu ka qaybagalo,iyadoo Turkidu aysan xataa soo dirin Wasiir.

    Ka qaybgalka Xafladaas lagu maamuusayay Maalinta Xornimada Qaran ee Turkiga,waxaa ku filnaa Wasiirka Gaashaandhiga ama Talyayaasha Ciidamada.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.