Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil oo ku Gacansayrtay Xabad joojinta Xamaas aqbashay
    Somalia

    Israa’iil oo ku Gacansayrtay Xabad joojinta Xamaas aqbashay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 7, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xamaas,ayaa Isniintii sheegtay in ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen, hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiska, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aasaasiga ah.

    Taasi baddalkeeda, Israil waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Qasa,halkaas oo ay ku noolyihiin in ka badan 1 milyan iyo badh Qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

    Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira,Saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin. Muddadaasi ayay ciidanka Israil uga baxayaan Qasa,Labada dhinac,ayaa isku weydaaranaya dadka ay kala hayaan wixi nool iyo inti meyd ahba. Iyo sidoo kale dib u dhiska Marinka Qasa iyo Qodobo kale.

    Waxa ay Xamaas aqbalaadeeda ku dhaawqday saacado kaddib marki ay Israil ku amartay ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah in ay ka baxaan xaafadaha bari ee Rafax halkaas oo ay sheegtay in ay duullaan ku qaadeyso.

    Goor danbe oo Isniintii shalay ahna, Israil ayaa duqeyn ay ka fulisay xaafado ku yaalla Rafax ku dishay in ka badan shan qof. In ka badan 34 kun oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur ay Israil ku dishay Gaza tan iyo bishii October.

    Israil ayaa weerartay Qasa kaddib marki ay Xamaas 7-di Oktoober weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay boqollaal qof kuna soo afduubatay boqollaal kale.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.