Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamada Caalamiga Ee Danbiyada oo amartay in lasoo xiro Hoggaamiyaha Xamaas
    Somalia

    Maxkamada Caalamiga Ee Danbiyada oo amartay in lasoo xiro Hoggaamiyaha Xamaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 21, 2024Updated:May 21, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.

    Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.

    Mr Khan ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Xamaas inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, afduub, kufsi, xadgudub galmo iyo jirdil.

    Inta badan eedeymahaan ayaa salka ku haya waxyaabihii dhacay laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar, markii mowjado weerarro ah ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa’iil.

    Xamaas ayaa mar sii horreysay dalbatay “in la baabi’iyo dhammaan amarrada lagu soo xirayo hoggaamiyeyaasha iska caabinta Falastiiniyiinta”.

    “Xamas waxay si adag u cambaaraynaysaa isku dayga dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee uu ku doonayo in dhibbanaha iyo dembiilaha la simo,” ayay tiri kooxdu.

    Kooxdu ayaa sidoo kale waxay ka cawdeen in codsiga waaranka ee ka dhanka ah Netanyahu iyo Gallant uu yimid “toddobo bilood ka dib colaadda”, iyo in hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadda iyo militariga Israa’iil aan la soo hadal qaadin kuwaas oo ay Xamaas aaminsantahay in ay qayb ka yihiin dambiyada ka dhacaya Qasa.

    Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa Xamaas u aqoonsan in ay yihiin urur argagixiso.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.