Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Sidee Kenya ku noqotay Xidigta Bariga Afrika Ee caalamku danaynayo?
    Somalia

    Faallo:-Sidee Kenya ku noqotay Xidigta Bariga Afrika Ee caalamku danaynayo?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 25, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kenya,waxay fursad ka heshay Gobolka ay ku taalo oo ay unoqotay hogaanka Dimuqraadiyada,Madax banaanida Saxaafada iyo Ganacsiga xorta ah.

    Galbeedku marka ay dib u eegis ku samaynayaan Siyaasadooda Afrika sida haatanba socota,Kenya Bariga Afrika ayay hormuud utahay.

    Itoobiya oo ku haysatay doorka dhanka amniga oo Galbeedka uga wakill ahayd la dagaallanka argagixisada iyo xakamaynta Ruushka iyo Shiinaha saamayntooda haatan way lumisay oo waxaa hogaan fudaydkiisa cidlo soo istaajiyay Abiy.

    Booqashada MW Ruto ee Maraykanka inkastoo ay si qurux badan udhacday hadana,waxaa xoogaa dhaawac ku noqday ka hor istaagida khudbadii ay ahayd in uu ka jeediyo kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka oo ay Republican-ku ka hor istaageen,iyagoo diidaya in Dimuqraadigu ka helo dhibco Siyaasadeed xiligan Doorashadu soo dhowdahay.

    Haduu ka khudbayn lahaa Fadhiga Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka waxay u ahaan lahayd taariikh iyo maqaam sare kadib Nelson Mandela.

    Ruto oo aan ahayn Siyaasi soo jireen ah,isla markaana ay tahay markii ugu horaysay ee uu MW noqdo waxay utahay booqashadiisa Qaran ee aadka loo karaameeyay guul Siyaasadeed uu usoo hoyay Kenya una gashay taariikhda.

    Si kastooy tahay Kenya waxay ku naaloonaysaa xasilooni Siyaasadeed oo gudaha Wadankeeda ah iyo ixtiraam dibadeed oo sare 60-Sano kadib Xoriyadeedii.

    “Waa adag nahay oo waa ka adaganahay abid Aduunkuna waa badbaadsan yahay haday Kenya iyo Maraykan wada shaqaynayaan”..ma’ahan erayo fudud oo waa kuwo ugu yaraan Kenya meel sare dhigay.

    Sidoo kale waa fariin loo diray Madaxda kale ee Afrika oo loogu sheegayo in ay udhaqmaan sida Kenya haday rabaan la jaanqaadida Galbeedka muhiimka ah.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.