Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Erdogan”Waa in u midownaa Xaalka Qasa hadaan Dunida Islaamka”
    Somalia

    Erdogan”Waa in u midownaa Xaalka Qasa hadaan Dunida Islaamka”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 29, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay “Dunida Islaamka” inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Qasa.

    “Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan?” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaano ka tirsan xisbigiisa AKP.

    “Israel khatar kuma ahan Qasa oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.”

    Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in ruuxdeeda ay ku dhimatay Qasa.

    “Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada Midoobay waxay ku dhimatay Qasa,” ayuu yiri Erdogan.

    Hadalka Erdogan ayaa ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeeshay weerar lagu hoobtay oo ay Israel ku qaadday xero barakacayaal oo ku taalla galbeedka Rafah Talaadadii, kaasi oo ay ku dhinteen 21 qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca madaniga ah oo ku sugan Qasa.

    “Ma jirto dal ammaan ah ilaa iyo inta aysan Israel raaceyn sharciga caalamiga ah oo aysan dareemeyn in uu qabanayo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo ku celceliyay eedeymaha ah in Israel ay “xasuuq” ka geysanayso Qasa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.