Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulaylka daran Ee Sacuudiga oo galaaftay Nolosha Xujay badan
    Somalia

    Kulaylka daran Ee Sacuudiga oo galaaftay Nolosha Xujay badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa Talaadadii sheegtay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

    Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri, “Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina. ”

    Waxa uu intaa ku daray in saadaashu ay tilmaamayso “uumiga huurka uu yahay 25%, halka aysan jirin heerarka roobabka la filayay.”

    Sannadkii hore, in ka badan 2,000 oo qof ayay lasoo deristay daal kuleyl ah, sida ay ogaadeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaddib markii heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit).

    Ugu yaraan 240 qof oo qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Indonesia – ayaa dhintay intii lagu jiray gudashada waajibaadka xajka, sida laga soo xigtay tirooyinka ay shaaciyeen dalal kala duwan oo aan sheegin sababaha dhimashada.

    Sacuudi Carabiya dhinaceeda ma aysan bixin tirakoobka dhimashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.