Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ururka Xisbullah oo weerar ku qaaday Israa’iil
    Somalia

    Ururka Xisbullah oo weerar ku qaaday Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Militariga Israa’iil,ayaa Khamiista maanta ah sheegay in askari lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto, taasi oo ah khasaarihii ugu dambeeyay ee isku dhacyo bilihii dhowaa ka socday xuduudda.

    Refael Kauders ayaa Arbacadii “ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga”, ayey ciidamadu ku sheegeen Website-kooda.

    Warbixin kooban oo uu siiyay warbaahinta, ayaa afhayeenka ciidamada Colonel Peter Lerner waxa uu ku sheegay in Kauders, oo 39 jir ahaa, lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee Xizbullah ku qaadeen magaalada Hurfeish ee waqooyiga Israa’iil.

    “Waxa ka dhashay natiijo xun, dabcan, oo ah askari la dilay,” ayuu yiri Lerner.

    Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in weerarka sidoo kale lagu dhaawacay sagaal askari oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay.

    Lerner waxa uu sheegay in “Xizbullah…sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si maalinle ah u kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Israa’iil” ayna “isku dayayaan in ay jebiyaan hababka difaaca ee Israel.”

    Dhimashadii ugu dambeysay ayaa ka dhigeysa ugu yaraan 15 askari iyo 11 rayid ah oo lagu dilay waqooyiga Israel, sida laga soo xigtay militariga, tan iyo markii ay billowdeen iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Xizbullah, oo ah xulafada Xamas, kuwaas oo bilowday ka dib markii dagaalka Gaza uu qarxay 7-dii October.

    Dhinaca Lubnaan, rabshadaha xudduudda waxaa ku dhintay ugu yaraan 455 qof, oo u badan dagaalyahanno laakiin ay ku jiraan 88 qof oo rayid ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Dagaalka Qasa,ayaa billowda kadib markii Xamas ay weerar culus ku qaaday Israel 7-dii October, kaasi oo ay ku dhinteen 1,194 oo Israa’iiliyiin ah, oo u badan shacab, sida ku cad xogta AFP oo ku saleysan tiro-koobka rasmiga ah ee Israa’iil.

    Xamas ayaa sidoo kale afduubtay 251 oqf, oo isugu jira Israa’iiliyiin iyo ajaaniib, kuwaas oo 120 ka mid ah weli lagu hayo Qasa, oo ay ku jiraan 41 qof oo militariga ay sheegeen inay dhinteen.

    Israa’iil,ayaa wacad ku martay in ay cirib-tireyso Xamas, waxayna Qasa ku qaaday dagaal dhulka iyo cirka ah, oo ay ku dhinteen 36,586 qof oo badankood shacab ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Qasa ee Xamas ay maamusho.

    Sida ay sheegeen Militariga Israa’iil, 645 askari ayaa la dilay tan iyo 7-dii October, oo ay ku jiraan 294 ku dhintay ololaha ka dhanka ah Xamaas ee dhulka Falastiiniyiinta.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.