Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Sweden iyo Iran oo is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen.
    Somalia

    Dowladaha Sweden iyo Iran oo is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 16, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladaha Sweden iyo Iran,ayaa Sabtidi shalay is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen.

    Sweden,ayaa sii deysay sarkaal hore oo Irani ah oo lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sanadihii 1980-meeyadii, halka ay Iran sii deysay laba qof oo Swedish ah oo halkaas ku xirnaa.

    Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadisay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in dadagaalka Cummaarn uu keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deenta dadka ay iska hayeen.

    Cuman waxay kaloo sheegtay in muwaadiniinta la is-dhaafsaday laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm.

    Sweden,ayaa sii daayay Haamid Nuuri, oo lagu helay dambi ah inuu qayb ka ahaa dil wadareed oo lagu fuliyay maxaabiista siyaasadda ee Iran sanadkii 1988.

    Wakaalada wararka ee Iran ayaa baahisay muuqaalka Noury oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas, gelinkii danbe ee shalay.

    Dhinaca kale, Muwaadiniinta Swedishka ah ee kala ah Johan Floderus iyo Saciid Caziizi, oo ku xirnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaareen galinkii dambe ee Sabtidii.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.