Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii Switzerland oo ku baaqay in ay lama taabtaan tahay Midnimada Dhuleed Ee Ukrain
    Somalia

    Shirkii Switzerland oo ku baaqay in ay lama taabtaan tahay Midnimada Dhuleed Ee Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 17, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku dhawaad 80 wadan oo ka mid ah ilaa 100 waddan oo labadi maalin ee lasoo dhaafay shir caalami ah uu uga socday dalka Switzerland ayaa Axaddii shalay ku baaqay in “Midnimada dhuleed” ee Ukraine ay saldhig u noqoto heshiis kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka laba sano jirsaday ee uu Ruushka ka wado Ukraine.

    Hase yeeshee Shirkan oo ay ka qeybgaleen ilaa iyo 100 waddan oo ay Somaliya ku jirto ayaa ku guuldareystay in qaar ka mid ah waddamadi muhiimka ahaa ee ka qeybgalay ay saxiixaan cayaanki ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirka.

    War-murtiyeedka ayaa lagu soo koobay mirihi kasoo baxay shirka labada maalin socday, kaas oo aanan lagu casuumin Ruushka, balse qaar badan oo ka mid ah hogaamiyaashi ka qeybgalay ayaa rajo ka muujiyay in suurtagalnimada in Ruushka uu ka qeybgalo geeddi socodka nabadda ee mustaqbalka labada dhinac.

    Dalalki ka qeybgalay isla markaana saxiixay war-murtiyeedka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa, Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Britain, Japan, Polan, Turkey, Somalia, Kenya, Argentina iyo Ecuador.

    Dalalka aanan saxiixin war-murtiyeedka shirki shalay lagu soo gaba gabeeyay dalka Switzerland ayaa waxaa ka mid ahaa India, Mexico, Saudi Arabia, South Africa, Thailand iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Brazil, oo goobjooge aheyd ma saxiixin, halka Shiinaha uusanba soo xaadirin.

    Ruushka,ayaa ku duulay Ukraine, bishii February ee sannadki 2022-dii, tan iyo markaas dagaalka Ukraine,ayaa waxaa lagu dilay laguna dhaawacay boqollaal kun oo Qof, halka kumannaan kun oo kalana ay ku barakaceen ama qaxeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.