Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ugu danbayn Xasan Sh. oo dalbaday in aan Ciidamada Atmis laga saarin Somaliya
    Somalia

    Ugu danbayn Xasan Sh. oo dalbaday in aan Ciidamada Atmis laga saarin Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakaalada Wararka Reuters,ayaa heshay warbixino ay DFS  codsi ahaan ugu dirtay Taliska Ciidamada Atmis.

    Codsiga Dowlada Fadaraalka Somaliya ay dirtay,ayaa ah in Ciidamada ATMIS gaabis la geliyo qorshahooda bixitaan.

    Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,waxay si cad udalbatay in aysan Atmis ka bixin Dalka,iyadoo qiratay in Wadanku qarka u saaran yahay  in uu galo Gacanta kooxda AlShabaab haddii Ciidamada ATMIS ay wada baxaan.

    Maalmo ka hor ayay ahayd markii Shabaab soo bandhigeen dhoolatus Ciidan oo xoog badan.

    Sidoo kale warbixin ay baahiyeen warbaahinta Reer Galbeedka,ayay ku sheegeen in AlShabaab soo xoogaysteen dibna uqabsadeen 6-dii Bilood ee udanbaysay Dhul Laba Sano ka hor laga saaray.

    Warbixintaas ayay Warbaahinta Galbeedku,waxay kaloo ku qireen jabka iyo kala daadsanaanta Ciidamada DFS soo wajahay.

    Xasan Shiikh oo ka hadlayay Oslo Forum,waxa uu sheegay in dagaalka lagula jiro Alshabaab uu ku danbayn doono wada hadal oo ay dhankooda diyaar uyihiin,hhadalkaasoo muujinayay quusta uu kasoo istaagay ka adkaanta Shabaab.

    Dhanka kale, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem oo hadlay,ayaa yiri..

    “Ma rabno inaan galno xaalad baqo carar ah si la mid ah tii ka dhacday Afgaanistaan”.

    Warbixinada kasoo baxaya jihooyinka kala duwan,waxay  ceebeeyeen Xasan oo horay ugu faanay in uu ka adkaaday Shabaab oo ku guulaystay Wajigii hore ee dagaalka.

    SOURCE: Reuters https://www.reuters.com/world/africa/somalia-asks-peacekeepers-slow-withdrawal-fears-islamist-resurgence-2024-06-20/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.