Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisbullah oo si adag ugu hanjabtay Israa’iil
    Somalia

    Xisbullah oo si adag ugu hanjabtay Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xizbullah ayaa Arbacadii sheegtay in meel ka mid ah Israel aysan ka badbaadi doonin dagaal, ka dib markii Israel ay sheegtay in ay ansixisay qorshe duullaan loogu qaadayo Lubnaan, taasi oo kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Qasa uu fido.

    Madaxa Xizbullah Shiikh Xassan Nasrallah,ayaa khudbad laga baahiyey taleefishinka ku yiri “meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena.”

    Nasrallah, oo kooxdiisa awoodda badan ee Iran ay taageerto ay si maalinle leh gantaallo isku weydaarsanayeen Israel tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaaday Israeli 7-dii October, ayaa sidoo kale u hanjabay Jasiiradda u dhow ee Qubrus haddii ay garoomadeeda diyaaradaha ama saldhigyadeeda u ogolaato in Israel “ay ka beegsato Lubnaan.”

    Jasiiraddan,ayaa hoy u ah laba saldhig Militari oo British ah, oo uu ku jiro saldhig ciidamada cirka ah, balse waxay ku yaallaan dhul madax-banaan oo British ah oo aysan maamulin dowladda Qubrus.

    Madaxweynaha Qubrus Nikos Christodoulides ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee dagaalka, wuxuuna sheegay in Qubrus ay “qayb ka tahay xalka”, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay marinka bini’aadannimo ee dhanka badda ee Qasa “oo ay aqoonsan yihiin dhammaan beesha caalamka”.

    Cabsida laga qabo in Israel ay dagaal buuxa ku qaadi karto Lubnaan ayaa sare u kacday ayada oo militariga Israel ay Talaadadii ku dhowaaqeen “qorshe howleedka duulaan loogu qaadayo Lubnaan waa la ansixiyey lana sharciyeeyey.”

    Arbacadii, Israel ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay garaaceen goobo Xizbullah ay ku leedahay koonfurta Lubnaan xilli habeen ah, halka ay sidoo kale werisay in diyaarado aan duuliye la socon ay ciidamadeeda ku beegsadeen magaalada xuduudda ku taalla ee Metula, weerarkaas oo ay sheegatay Xisbullah.

    Xisbullah,ayaa dhanka kale ku dhowaaqday geerida afar ka mid ah dagaal-yahanadeeda.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israel ay duqeysay dhowr goob oo ka tirsan koonfurta Lubnaan Arbacadii, oo ay ku jirto xaafadda ku taalla xuduudda ee Khiam.

    Xisbullah ayaa dhankeedana sheegtay in ay “dhowr gantaal oo Katyusha ah iyo madafaiic kale” ku garaaceen deegaanka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel, si ay uga aargutaan weerarka lagu soo qaaday.

    Maalin ka hor, kooxda islaamiga ah ayaa soo bandhigtay muuqaal sagaal daqiiqo ka badan oo hawada sare laga duubay oo muujinaya waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan wax ay ku sheegeen inay yihiin goobo militari, difaac iyo tamar oo xasaasi ah oo ka tirsan magaalada Dekadda leh ee Haifa ee Israel.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.