Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warbixinta Wakiilka Xoghayaha Guud uu ka jeediyay Golaha amaanka
    , addresses the Security Council meeting on the situation in Somalia.
    Somalia

    Warbixinta Wakiilka Xoghayaha Guud uu ka jeediyay Golaha amaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 24, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isagoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixinayay xaaladda Soomaaliya maanta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa xusay in “Soomaaliya ay sii wadeyso sidii ay u wajahi lahayd mudnaanta koowaad ee qaranka, oo ay ku jiraan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”

    Wajiga xiga ee dib u eegista dastuurka ayaa looga hadlidoona arrimo adag, sida awood qeybsiga iyo kheyraadka iyadoo la raacayo qaabka dhismeedka federaalka ee Soomaaliya, Mr. Swan ayaa sidaas u sheegay golaha ammaanka. Wuxuu xusay muhiimadda ay u leeyihiin arrimahaan dowlad-dhisidda. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saamileeyda siyaasadda Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafaadkooda ayna u raadiyaan heshiis loo dhanyahay.”

    Dhanka Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland, Mr. James Swan waxa uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si buuxda ugu cadeeyey madax- madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya inay tahay lama taabtaan. “Waxaan ku dhiirigelinayaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay arrinta ku xalliyaan si nabad ah iyadoo la raacayo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.”

    Ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee QM in amniga uu weli yahay mudnaanta koowaad ee dowladda Soomaaliya. Maadaama Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka wada hadlayaan qorshaynta amniga ka dib 2024, wuxuu ka codsaday “dhammaan saaxibadda Soomaaliya waa inay maalgeliyaan Hawlgalka la rajeeynaayo.”

    Mar uu ka hadlaayey arrimaha haweenka Soomaaliya, Mr. Swan wuxuu sheegay in sharciga lagu daro Qoondada haweenka si loo xaqiijiyo matalaadooda Rasmiga. Wuxuu u sheegay Golaha Ammaanka in QM ay sii wadi doonto “in ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah kala qaybgalaan muhiimadda ay leedahay kordhinta iyo tayaynta ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka. ”
    “Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u daran” ayuu yiri Mr. Swan, isagoo intaas ku daray in Isbeddelka cimilada, amni-darrada iyo cudurrada dillaacay ay sii xumeeyeen baahiyaha bani’aadamnimo. “Qorshaha wax kaqabashada Baahiyaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2024-ka wuxuu u baahan yahay USD 1.6 bilyan, laakiin ilaa hadda waxaa la haayaa 22 boqolkiiba oo keliya. Waxaan ka codsanayaa saaxiibada caalamiga ah inay bixiyaan dhaqaalaha lagama maarmaanka ah.”

    Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka hadlay geeddi-socodka UNSOM ugu wareegays Xafiiska QM isagoona xusay Qorshaynta arrimahaas inay bilaabmeen. “Iyadoo ay weli ku jiraan marxaladahoodii hore, wada-hadallada ilaa maanta waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo wax dhisaya,” ayuu yiri Mr. Swan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.