Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhimashada Mudaaharaadyada Kenya oo sii kordhaya
    Somalia

    Dhimashada Mudaaharaadyada Kenya oo sii kordhaya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 26, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    22-Qof ayaa Talaadadii ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.”

    “Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya.

    Waxa ay intaas ku dartay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal ku xoomay xarunta baarlamanka.

    Mudaaharaadayaasha ayaa ka soo horjeeda sharci cusub oo dowladda ay dooneyso in ay ku kordhiso canshuurta, waxayna maanta wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan banaan-baxyada ka dhanka ah canshuur kordhinta.

    Boolis aad u hubeysan ayaa maanta maamulayey waddooyinka caasimadda Nairobi, ayada oo taageerayaasha banaanbaxa toddobaad jirsaday ay barta X u isticmaalaayaan hashtag tutanethursday ama “Khamiis ayaa noo ballan ah.”

    Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.