Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imaaraadka Carabta oo kula taliyay Maraykanka isticmaalka Garoonka Diyaaradaha Berbera
    Somalia

    Imaaraadka Carabta oo kula taliyay Maraykanka isticmaalka Garoonka Diyaaradaha Berbera

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 4, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wargeysa shebaintelligence,ayaa qoray war ku saabsan fikrado ay usdhaafsadeen Dowladaha Imaaraadka iyo Maraykanka oo saamayn ku leh SL.

    Xogta warkan ku jirta kaliya waa talo soo jeedin Lataliyaha Amniga Qaranka Imaaraadku la wadaagay Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka.

    Xogtu ma sheegayso go’aan ama heshiis lawada gaaray,waxayse tilmaamaysaa in uu jiro xiriir Imaaraadka soo dhexmaray oo SL lagala yeeshay arinkaas.

    Soo jeedinta uu Madaxa Sirdoonka Imaaraadka ugudbiyay Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka,ayaa waxay tahay in Saldhiga Berbera loo isticmaalo la dagaallanka Xuutiyiinta Yemen.

    Sida la filayo hadii Maraykanku go’aansado in uu isticmaalo Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera,waxa uu fasax ka doonan DFS.

    Si walba oo ay tahay SL,waxay utahay fursad Diblomaasi oo sare iyo mid Milleteri,dhanka kalena,waxay ku tahay khatar Milleteri,balse Libin lama gaaro hadaan la qaadan go’aamo khatartooda leh.

    Imaaraadka,waxay utahay fursad uu ku sii xoojisanayo saamyntiisa Gobolka iyo go’aamada waa weyn ee caalamka.

    Waxaa jira loolanka Gobolka ah oo udhaxeeya Dowladaha Imaaraadka,Sacuudiga iyo Masar.

    shebaintelligence.uk/replacing-the-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.