Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo fulinaya amarkii Dowlada Niger
    Somalia

    Maraykanka oo fulinaya amarkii Dowlada Niger

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka,ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah Ciidankeeda ay Axaddii kala soo baxday saldhigga ciidanka cirka Niger ee 101, ee u dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Caasimadda ah ee Niamey.

    Tallaabadan,ayaa imaneysa Todobaadyo yar ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin Saldhigga weyn ee diyaaradahiisa drone-ka ee u dhaw magaalada Agades ee ku taalla Saxaraha Niger.

    Taliska Millatari ee xakuma Niger,ayaa bishii April amar ku bixiyay, in Mareykanka uu Niger kala baxo ilaa 1,000 askari, bilo kaddib marki ay saraakiil ka tirsan Millatariga Afganbiyeen Dowladdii hore ee Niger,Sannadki hore.

    Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Wasaaradda Gaashaandhiga Niger iyo Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskaashi iyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo dhex maray Ciidamada Niger iyo kuwa Mareykanka awgeed uu howlgalka ka bixista uu si guul leh ku dhamaaday ka hor waqtigi loogu tala galay.

    Guud ahaan Ciidanka Mareykanka ee Niger,ayaa lagu wadaa in laga soo saaro bisha soo socota ee August.

    Taliska Milatari ee Niger,ayaa u qabtay in Ciidanka Mareykanka ka jooga Niger ay Waddanka uga baxaan ilaa 15-ka September.

     

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.