Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Miyay suurtagal tahay dagaal dhexmara Gaashaanbuurta Nato iyo Ruushka?
    Somalia

    Miyay suurtagal tahay dagaal dhexmara Gaashaanbuurta Nato iyo Ruushka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay “mid laga walaaco”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan.

    “Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la’aan waa mid walaac ah,” ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. “Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan waa in si miyir leh looga fogaado.”

    Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga.

    Ka hor shir-madaxeedka, Ruushku ayaa gantaallo badan ku garaacay Ukraine, halkaas oo ay ku dhinteen daraasiin qof, oo ay ku jirto Kyiv halkaas oo isbitaalka carruurta uu si weyn u burburay.

    Peskov, ayaa hadallo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Ruushka, sidoo kale sheegay in isbahaysiga milatari ee reer galbeedka, oo shir ku leh Washington toddobaadkan, ay hadda “si buuxda ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine”.

    Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv.

    Ankara ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ukraine, iyadoo dhinaca kale ka fogaanaysa cunaqabataynta ay reer galbeedku ku hayaan Moscow.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.