Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Milatariga Israa’iil oo Amar cusub kusoo saaray Qasa
    Somalia

    Milatariga Israa’iil oo Amar cusub kusoo saaray Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 11, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milatariga Israa’iil,ayaa u sheegay dadka reer Qasa in ay ka baxaan koonfurta Magaalada,isla markaana u guuraan Marinka Qasa,iyadoo halkaana ay howlgallo ka socdaan.

    Waraaqo ay daadiyeen diyaarado,ayaa Dadka loogu sheegay in Qof kasta oo ku sugan magaalada Qasa uu halkaa ka baxo waxa lagu tilmaamay “aagga dagaalka khatarta ah” iyada oo la sii marayo wadooyin nabdoon oo loogu talay in ay isticmaalaan Dadku.

    Qaramada Midoobey,ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay amarada daadguraynta ee la siinayo dadka. Waa markii Labaad tan iyo markii uu dagaalku billowday oo Dadka laga dalbanayo in ay ka baxaan goobihii ay ku noolaayeen.

    Labadii Toddobaad ee la soo dhaafay,Ciidamada Israa’iil waxay dib u galeen dhowr degmo oo ay Ciidamadu rumeysan yihiin in Xamaas iyo dagaalyahannada Jihaad Islaami ee Falastiinta ay dib isaga soo abaabulayaan tan iyo bilowgii sanadkan.Dadka ayaa durba bilaabay in ay halkaa kala baxsadaan naftooda.

    Dadka Falastiiniyiinta ah,ayaa wajahaya dhibaatooyinka isugu jira barakac iyo duqeymo joogta ah oo ay gaysanayana diyaaradaha Israa’iil.

    Warka ka soo baxay Milatariga Israa’iil ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallada laga dhex wado labada dhinac ee la doonayo in lagu gaaro xabad-joojin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.