Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga xaajooday Golaha Wasiirada Fadaraalka Ee Khamiislaha?
    Somalia

    Maxaa looga xaajooday Golaha Wasiirada Fadaraalka Ee Khamiislaha?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 25, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, 25, Luulyo 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

    Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.

    Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafti ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.

    Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta argagixisada.

    DHAMMAAD.

    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    Flickr
    https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
    instagram:
    opmsomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.