Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Ma dhabaa in DFS aqbashay in ay Itoobiya usaxiixdo heshiis la mid kan SL la gashay?
    Somalia

    Faallo:-Ma dhabaa in DFS aqbashay in ay Itoobiya usaxiixdo heshiis la mid kan SL la gashay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weftiga Somalida ku matalaya wada xaajoodka Itoobiya,waxa uu gaaray Turkiga,iyadoo uu ku jiro Lataliyaha Amniga Qaranka Xasan Shiikh.

    Waxay ku timid tagida weftiga Somalida ee Turkiga,iyadoon wakhtigii la ballansanaa aan la gaarin Turkidua oo soo jeediyay in wakhtigii ballanta wax laga badalo,isla markaana Somalida iyo Turkidu ay kulan hordhac ah sii yeeshaan ka hor intaan kulanku furmin.

    Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga,waxa uu sheegay in Itoobiyaanku aqbaleen ka laabashada heshiiskii isfahan ee ay la galeen SL.

    Itoobiyaanka,waxaa cadaadis ku noqday Sadex arimood oo kala ah…..

    B.Saamaynta Dhaqaale ee gaaraya $9-ka Bilyan ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya.

    T.Heshiis Simaliya iyo Turkiga ee dhanka Badda oo ay aqoonsatay Gaashaanbuurta Nato.

    J.Ciidamada Masaarida ee kusoo biiraya kuwa Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ujooga Somaliya.

    Itoobiyaanku,waxay wataan shuruudo ay ku badalanayaan ka tanaasulka Heshiiska SL ay horay ula galeen.

    Balse ilaa iyo hada majiraan Shuruudo Itoobiyaanku soo bandhigeen.

    Dhanka Somalida uma diyaarsana Shuruudo cusub oo Itoobiyaanka ay hordhigayaan marka laga reebo kuwoodii hore ee ahaa in ay Itoobiya ilaaliso Midnimada iyo Madaxbanaanida Somaliya kana laabato heshiiska ay la gashay SL.

    Turkidu,waxay muujinayaan in ay Somalida si gaar ah wax ula wadaan,waana sababta keentay in weftiga Somalida ay uyeeraan ka hor furitaanka Shirka si ay wax ula fariisiyaan una kala warqaataan.

    Turkiga dantiisa Qaran dhan walba,ayaa gashay in Somaliya iyo Itoobiya xal ka gaaraan khilaafkan.

     

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Folkaano xoog badan oo ka qaraxday Deegaanka Canfarta Itoobiya

    November 26, 2025

    Ciidamada Maraykanka oo hawlgallo ka fuliyay gudaha Puntland

    November 25, 2025

    Madaxweyne xigeenka Galmudug iyo M.xigeenka Zambia oo kulmay

    November 25, 2025
    Latest Posts

    Folkaano xoog badan oo ka qaraxday Deegaanka Canfarta Itoobiya

    Ciidamada Maraykanka oo hawlgallo ka fuliyay gudaha Puntland

    Madaxweyne xigeenka Galmudug iyo M.xigeenka Zambia oo kulmay

    Shil sababay Geerida Laba ruux oo ka dhacay gudaha Magaalada Garowe

    24-kii saac Ee udanbeeyay oo xubno argagixiso ah isku soo dhiibeen Ciidamada PL

    Maxkamada Racfaanka Galkacyo oo dil ku xukuntay Haweenaydii dishay Saabiriin.

    Constitutional, Practical, and Legitimacy Challenges of Somalia’s National Identification Authority (NIRA)

    Puntland oo xal uraadinaysa Bacaadka Xeebaheeda khatarta ku ah

    Dhagaysiga Garmaqalka Labaad Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle oo la asteeyay

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.