Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar iyo loolanka soo laabashadeeda Kursiga
    Somalia

    Ilhaan Cumar iyo loolanka soo laabashadeeda Kursiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa ilaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah.

    Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aasaasay ‘kooxda’ waxaa lagu sheegay inay tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels.

    Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil.

    AIPAC waxay horeba u kharash gareeyeen $14 malyan, ayagoo ka caawinayey George Latimer oo ka tirsan dimoqaraadiga inuu kursiga ka rido Jamaal Bowman oo ka tirsan ‘kooxda’, aadna u dhaliila Israa’iil iyo dagaalkaba. Dhaqaalahaas ayaa Latimer ka caawiyey inuu guul aad u weyn gaaro.

    Samuels oo ah siyaasi qunyar socod ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, horena xubin uga soo noqday golaha deegaanaka ee Minneapolis ayaa doorashadii noocan oo kale ahayd ee isreebreebka ku guuldarraystay ka dib markii ay 2022 Ilhaan Cumar kaga guulaysatay 2,466 cod.

    AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midka yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin.

    “Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto, laakinse sido kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’.

    “Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.