Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Amaanka oo Mudo kordhin usameeyay hawlgalka Atmis
    Somalia

    Golaha Amaanka oo Mudo kordhin usameeyay hawlgalka Atmis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 16, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa galabta ogolaaday qaraar ay keentay dowlada ingiriiska oo waqtiga loogu kordhiyay ATMIS illaa 31 December 2024.

    Ciidanka ATMIS oo ay ku jirto Itoobiya ayaa sii joogi doona illaa dhammaadka sannadkan.

    Tirada loo ogol yahay waa 12,626 oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah.

    Hawlgalka kale ee #AUSSOM oo bedeli doona ATMIS ayaa la filayaa inuu bilawdo January 2025.

    Wuxuu muran ka jiraa lacagta lagu maalgalin doono iyo halka ay ka imaan doonto.

    Waddamada qaar ayaa qaba in dalalkii taageeri jiray ATMIS ay sidoo kale taageeraan howlgalkan cusub we #AUSSOM. Laakiin aragtidan waxaa dood ka qaba Mateykanka oo sheegaya in culeyska dhaqaale uu hal dhinac u badan yahay.

    Sidoo kale, waxay dood culus ka jirtaa waddamada ka qeybgali doona hawlgalka cusub ee #AUSSOM.

    Masar iyo Jabuuti ayaa mar hore isa soo qaddimay oo booskooda xaqiijistay. Itoobiya,ayaa iyaduna rabta inay ka mid noqoto, balse dowlada fedaraalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Itoobiya laga reebo hawlgaka cusub AUSSOM.

    Wadamada China iyo Russia ayaa qaba in wadamada hadda ku jira howlgalka ATMIS ay go’aan ku yeeshaan qaabka loo qeybsandoono ciidamada lagu soo dari doono howlgalka cusub ee loo soo gaabiyo AUSSOM.

    Xgsho: Abdalle Ahmed Mumin

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.