Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saamaynta Masar Biyo xireenada Itoobiya Ee Webiga Nile
    Somalia

    Saamaynta Masar Biyo xireenada Itoobiya Ee Webiga Nile

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Khabiir dhanka biyaha ah oo u dhashay dalka Masar, Diaa El-Qousy ayaa tilmaamay in laga yaabo in arrintu ay soo baxdo sanadaha soo socda in biyaha laga iibiyo Masar iyo Suudaan.

    Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya ee Zahed Zidane oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in dhinaca Itoobiya aanay weli wax dhibaato ah ugu geysan Masar iyo Suudaan dhismaha biyo-xireenka, maaddaama dhinaca Itoobiya ay ballan-qaadeen sannado badan oo buuxinta biyo-xireenka ah, kaas oo hadda ka badan toddoba sannadood.

    Zidane ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya ay tixgelisay walaaca Suudaan, isla markaana ay si joogto ah u cusbooneysiineyso horumarka dhanka buuxinta, keydinta iyo furitaanka albaabada, si loogu diyaariyo biyo xireenka Roseires ee Suudaan, oo qiyaastii 40 km u jira biyo xireenka wayn ee Itoobiya.

    Lix waddan oo uu ugu dambeeyay Suudaanta Koofureed ayaa ansixiyay heshiiska Entebbe sanadkan, kaasoo waddada u xaaraya in dhaqan galkiisu uu bilowdo kadib 14 sano oo uu fadhiid ahaa.

    Heshiiska Entebbe waxa uu soo rogayaa hannaan sharci oo cusub oo lagu xallinayo khilaafaadka, dib-u-qaybinta biyaha, iyo u oggolaanaya waddamada soo koraya in ay dhistaan ​​mashruucyo biyo ah iyada oo aan oggolaansho laga helin waddamada hoose.

    Masar iyo Sudaan midkoodna ma saxiixin heshiiska Entebbe, mana aqoonsana.

    Saddexda dal ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan, ayaa dhawr wareeg oo wada-xaajood ah oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika yeeshay, balse aan wax heshiis ah laga gaadhin.

    Toddobadii sano ee la soo dhaafay ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, Itoobiya waxa ay awooday in ay ku shubto ilaa 62.5 bilyan cubic mitir oo biyo ah gudaha harada biyo xireenka, waxayna sii waddaa in ay sii buusxiso si ay u gaarto heerka ugu sareeya ee buuxinta oo ah 74 bilyan cubic mitir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.