Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maamulka Abiy oo Diyaaradaha Drons-ka U isticmaalay Shacabka Amxaarada
    Somalia

    Maamulka Abiy oo Diyaaradaha Drons-ka U isticmaalay Shacabka Amxaarada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 14, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Subaxnimadii Oktoobar 14, 2024,Dowladda Itoobiya l,ayaa duqaymo diyaaradeed oo aan duuliyaha lahayn iyo kuwa Qumaatiga u kaca ah ka fulisay meel u dhow amagaalada Bahar Dar, kuwaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa koonfurta Achefere iyo Waqooyiga Mecha ee Gobolka Axmaarada.

    Koonfurta Achefere, bambaanooyin laga soo tuuray diyaaradaha qumaatiga u kaca,ayaa lagu weeraray dugsi hoose, kaasoo sababay burbur iyo khasaare soo gaaray dad rayid ah.

    Ilo deegaanka ah,ayaa xaqiijiyay in hal cunug uu ku jiro dadka dhaawacmay,intaas waxaa dheer, bambooyinka ayaa lala beegsaday Waddooyin aaggaas laga dhisayay.

    Waqooyiga Mecha, duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay waxyeelo ba’an u geysteen Dad beeralay iyo Dadka kale oo rayidka ah.

    Goob joogayaal,ayaa ku waramaya in weerarada soo noqnoqday ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay sababeen dhimasho badan, iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray iskuulada,Xafiisyada Maamulka,Xarumaha Caafimaadka iyo Guryaha.

    Gobolka Amxaarada, oo ay ku jiraan Dega-Damot, Jabi-Tehnan, Ibnat, East Dembiya, iyo Qwara. Duqeymaha ayaa sababay khasaare soo gaaray dad rayid ah, burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha.

    Intii u dhaxaysay Bilihii Sebtembar iyo Oktoobar,Maamulka Abiy,waxa uu kordhiyay isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo guud ahaan duqaymaha Cirka ee Deegaamada Ismaamulka Qowmiyada Amxaarada.

    Dowladda Itoobiya,ayaa diyaarado aan duuliye lahayn kasoo iibsata Wadamada Shiinaha,Iran, Israa’iil, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.